Gacan ku dhiigle kufsi iyo dil ka geystay G/Shabeelaha Hoose oo la qabtay

55

Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay fal isugu jiray kufsi iyo Dil Gabar yar loogu geystay deegaanka Calamada ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe oo shir jaraa’id warbaahinta u qabtay ayaa waxaa uu sheegay in falkaas foosha xun uu shalay ka dhacay Kaam ku yaalla inta u dhexeeysa Xaawo Cabdi iyo deegaanka Calamada.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in eedeysanaha oo falkaasi qirsan gacanta lagu soo dhigay, isla markaana haatan lagu haayo xarunta Hay’adda dambi barista ee CID-da si baaris dheeraad ah loogu sameeyo, kadibna Maxkamad loo geeyo.

Dadka deegaanka Calamada ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa aad u hadal haaya dhacdada aadka u foosha xun ee halkaas ka dhacday laguna kufsaday Gabar yar oo 8 sanno jir aheyd, kadibna la dal-dalay, waxaana horey deegaano ka tirsan dalka uga dhacay falkaan oo kale.