GALABTA : Maxa ka dhacay garoonka Jaamaddaha ee magaaladda Muqdisho?

65

Garoonka Jamaacadaha Ee Degmada Hodon Ee Gobolka Banaadir Waxa Ka Socotay Ciyaar Xiiso Leh Oo Ay Isku Balansadeyn Labbo Kooxood Oo Ka Kala Socotay Wariyaasha Ciyaaraha tabiya ee Muqdisho ka howlaga Iyo koox mataleysay Yotueber-Ska  Basle Mar Qura Ayaa Waxa Is Badalay Jawiga Garoonka Iyo Sida Ay U Socotay ciyaarta Kadib Markii  Gool Laga Dhaliyay Ciyaarta Uu Isku Bedelay Fal Celintii Ka Dhalaya Mid Aan La Mahdin

Shacab u badnaa taagerayaal  usoo daawasho tagay cayaar ka socotay garoonka jaamacadaha ee magaaladda muqdisho ayaa rasaas la huwiyay, kaddib markii ay ka fal celiyeen dabaal dag dhaqanka ka baxsan oo uu sameeyay Ck oo ah Youtuber Soomaaliyeed jawiga garoonkana uu isku badelay mid fowdo ah.

Ciidamada ammaanka ee ku sugnaa garoonka iyo Shacabka daawanayay ciyaarta oo dhagaxaan u adeegsanayay falcelintooda ku aaddan dabaal daggas ka careysiiyay ayaa isku dhac dhax maray, Cayartana ka socotay garoonka jamacaddahana waxa a ay u dhaxeysay Youtubers-ka iyo Weriyayaasha Isboortiska ee magaaladda Muqdusho.

Goobjoogayaal ku sugnaa garoonka aya asheegay in aysan jirin  qof ay waxyeelo kasoo gaartay xabbadaha la huwiyay shacabka ka falceliyay dabaal dagaas ay ka muuqatay dhaqan xumada baahnsan.

Ciyaarto oo markii hore ku bilaabatay xamaasad ayaa waxa ay isku bedeshay  Dagaal fowdo iyo kala carar sababtay in Dad badan ay baqadin gasho waxana Garoonak mar qura uu noqday mid haawanaya

Inta badan  horey logaam baran in ciyaar sidaan oo kale ah ciyaartooy uu dhaqan xumo ku dhex sameyo garoon ku yaal magaalada Muqdisho kadiban ay dadkii dawanayay iyo ciidamad aamanka sugayay ay ku bedelaan rasaas