Galgaduud: Carruur ku geeriyootay dabka kacay Gurigooda

30

Inta la xaqiijiyay laba Carruur ah ayaa geeriyootay hantina waa ay ku baaba’day, kadib markii uu dabka kacay Gurigooda oo ku yaal Tuulada Birta-dheer ama Koofi oo hoostaga degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Carruurta dabka ku geeriyootay oo meydkooda la geeyay degmada Cabudwaaq ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay, Faarax Farxaan Tahliil oo laba sano jir ah iyo Farxiyo Farxaan Tahliil oo Afar Sano jir ah.

Labada Carruurta ah ayaa dabka markii hore waxaa kasoo gaaray dhaawac culus, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in intii loo sii waday degmada Cabudwaaq ay wadada dhaawicii ugu geeriyoodeen