Galmudug Iyo Hirshabeelle Oo Isku Haya Maamulka Degmo Caan ah

26

Ciidamo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha degmada Matabaan ugu magacaaban Maamulka Hirshabeelle Xiri Goomey ayaa Maanta gudaha degmadaas kusoo bandhigay dhoolatus aan horey loo arag.

Guddoomiye Xiri Goomey oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu aad uga soo horjeedo qorshe la sheegay in degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan lagu hoos geeynayo Maamulka Galmudug, xili degmadaas ay ka tirsan tahay Hirshabeelle.

Maleeshiyaadka dhoola-tuska kusoo bandhigay Matabaan ayaa xalay weerar ku qaaday Saldhig Ciidanka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin gudaha degmadaas, iyagooan iska caabin kala kulmay Ciidamo ka tirsan Galmudug oo dhinac degmadaas ka jooga.

Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maalmo kahor Maleeshiyaadkaas ka kala eryay Koontarool oo ay dhigteen gudaha degmada, halkaas oo la tilmaamay in gaadiidka lacag looga qaadi jiray.