Galmudug iyo Itoobiya oo Wardheer ku gaaray heshiis ka kooban laba qodob

15
Wasiir Fiqi oo ka socda Galmudug oo saxiixaya Heshiiska
Wasiir Fiqi oo ka socda Galmudug oo saxiixaya Heshiiska

Heshiis ka kooban laba qodob ayaa laga soo saaray shir labadii maalmood ee lasoo dhaafay magaalada Wardheer ee dhulka dowlad deegaanka Soomaali Galbeed uga socday
Wafdi wasiirro ah oo ka socday Galmudug iyo saraakiil ka tirsan Is-maamulka DDS.

Galmudug waxaa ka socday wasiirro iyo taliyaha nabad sugidda Qaranka qeybta Galmudug, halka wafdiga dowlad deegaanka ay ka mid ahaayeen hoggaanka Nabad-galyada, wasiiro iyo taliyaal ka socday hey’adaha amniga DDS.

War-saxaafadeed laga soo saaray shirkaas ka dhacay magaalada Wardheer ayaa lagu shaaciyey in heshiis ay kala saxiixdeen labada dhinac.

Heshiiska ayaa nuxurkiisu ahaa:
1. Iskaashi dhanka amniga ah oo isugu jira amniga xuduudaha Galmudug iyo DDS, Dardargelinta iyo fulinta heshiisyo horey loo gaaray iyo in si wadajir ah loola dagaalamo argagixisada.

2. Iskaashi dhanka Ganacsiga iyo horumarinta Dhaqaalaha ah, gaar ahaan canshuuraha badeecooyinka isaga gudba xuduudaha labada maamul, ka hortagga maandooriyaha iyo qabashada Shirweyne ganacsi oo Galmudug ka dhaca oo ganacsatada labada dhinac ay yeeshaan.

Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Taliyaha Nabadsugidda qaranka Qeybta Galmudug, ayaa heshiiskaas u saxiixay dhanka Galmudug.

Dhanka dowlad deegaanka Soomaali Galbeed waxaa heshiiskaas u saxiixay Hogaanka Nabadgalyada, Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo taliyaha gaaska 3aad ee Ciidanka Militeriga Itoobiya.

Wasiirka amniga Galmudug Md. Axmed Macalin Fiqi oo gunaanadkii shirka kalimad la siiyey ayaa ka mahadceliyey soo dhowayntii diiranayd iyo martiqaadkii loo sameeyey wafdiga Galmudug, kana warbixiyey Galmudugta cusub iyo himaladeeda, sida lagu sheegay qoraal laga soo saaray kulankaas.