Galmudug oo Al-Shabaab ku eedeysay dagaal beeleedyadda Mudug iyo Galgaduud

30

Waxaa sii xoogaysanayya xiisada iyo dagaal beeleedyada kajira gobolada Mudug iyo Galgaduud xili maamulka galmudug uu ku mashquulsanyahay abaabulka howl gallo ka dhan ah Al-shabaab oo maamula deegaano iyo tuulooyin ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud

Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay xarakada alshabaab in ay kadambeeyaan dagaal beeleedyada kajira labada gobol si ay udhabar jebiyaan dadaalka Galmudug ay ugu jirto lawareegida gacan ku haynta guud ahaan deegaanada shabaab ay kamaamulaan gobolada Mudug iyo Galgaduud

Axmed shire falagle ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay ganacsato, odoyaal iyo haween uu sheegay in ay hurinayaan colaadaha oo uu tilmaamay in ay gadaal kariixayaan ururka Al-shabaab, waxaana uu ku hanjabay in talaabo ay lka qaadoi oonaan cid kasta oo ku howlanhurinta dagaal beeleedyada

Maamulka Galmudug ayaa horay ugu  dhawaaqay dagaal kadhan ah nabadiidka  Al-shabaab balse ilaa haatan ma muuqato ifo faalo muujinaya qabsoomida go”aanka Galmudug oo badelkeeda waxaa jira dagaal beeleedyo u dhexeeya beelo walaala ah oo wada dega gobolada Mudug iyo Galgaduud.