Galmudug Oo Ka Laabatay Go’aan Ay Maamul Cusub Ugu Magacaawday Degaan

59

Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dib uga laabatay Go’aankii deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug loogu magacaabay maamul cusub.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac ayaa dib looga laabtay go’aanka lagu magacaabay Maamulka Bacaadweyne oo Guddoomiye markii horey looga dhigay Cabdinaasir Axmed Yuusuf.

Sababta keentay in dib looga laabto magacaabista Maamulka cusub deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay cabasho ka timid dadka deegaanka.