Galmudug oo ku dhawaaqday Dagaal ka dhan Al-Shabaab.

66

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa kormeer indha indheyn ah ku tagay jiidda hore Ciidanka Xoogga iyo kuwa Galmudug ay ku sugan yihiin ee degaanada Maamulkaasi.

Kormeerkaan ayaa waxaa ku weheliyay Ku simaha Gudomiyaha Barlamanka Wasiiro,Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Degaanada uu kormeeray Madaxweyne ku xigeenku ayaa waxaa ay yihiin kuwo dhawaan ay Ciidanka Xooggu kala wareegeen dagaalamayaasha Nabad diidka Al-shabaab.

Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisu ayaa sahay gaarsiiyeen Ciidanka ku sugan furumaha hore ee dagaalka.

Madaxweyne Daahir Ciid oo la hadlay Ciidanka ayaa ugu baaqay in ay sii laba jibbaaraan howlgallada iyo dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ayaa Ciidanka ku boorriyay in ay dagaalka sii wadaan tan iyo inta degaanada galmudug laga saarayo Al-shabaab.