Galmudug oo sheegtay in Dad Loo Qabtay Rasaas Lagu Furay Masjid Ku Yaalla Guriceel.

22

Wararka naga soo garaya magaalada Guriceel ayaa waxa ay sheegayan in Ciidanka amniga Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ay saacadihii lasoo dhaafay howlgalo ballaaran ka sameeyay xaafado ka tirsan Magaaladaas.

Howlgalkan ayaa intii uu socday Ciidanka amniga waxaa ay ku qabteen dad u badan dhalinyaro, kuwaasi oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen rasaas xalay lagu furay Masjida Beder ee Guriceel, kadib salaadii maqrib ee habeenkii xalay.

Saraakiisha Ciidanka amniga oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka howlgalka lagu qabtay haatan lagu wado baaritaano kala duwan, waxaana dadka qaarkood la sheegayaa inay ku jiraan rag Ganacsato oo caan ka ah gudaha Magaalada Guriceel .

Rag hubeysan oo la aqoon waxa ay ahaayeen ayaa xalay rasaas dhowr ah ku furay Masjidka Beder ee Magaalada Guriceel, iyadoo aysan jirin cid wax ku noqotay, marka laga reebo rasaasta oo ku dhacday derbiga Masjidka.