Galmudug oo sheegtay in shaqo wanaagsan laga qabtay hagaajinta adeegyadda garsoorka

70

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda ee dowlad goboleedka Galmudug mudane Maxamuud Guure Guuleed ayaa tilmaamay in haatan talaabooyin wanaagsan ay Galmudug u qaaday xagga hagaajinta Garsoorka, ayna socdaan qorshayaal arrimahaas lagu horumarinayo.

Wasiir ku-xigeenka oo warbaahinta Qaranka u sharaxay halka ay marayaan qorshaha dar-dar gelinta helitaanka garsoor dhab ah, isla markaana la gaarsiiyo deegaanada Galmudug ayaa sheegay in wax badan ay iminka ka qabteen dhanka adeegga garsoorka.

Mudane Maxamuud Guure Guuleed ayaa dhanka kale wax laga xumaado ku tilmaamay buun-buuninta wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah amniga Galmudug, isagoo bulshada ugu baaqay inay xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha amniga iyo garsoorka ee Galmudug.

Dhawaan ayey aheyd markii in ka badan 45 garsoorayaal ah ay soo codsadeen shaqooyinka ka banaan Maxkamadaha Galmudug ee la soo bandhigay kuwaas oo  laga qaaday imtixaan lagu kala saaray heerkooda aqooneed ee garsoorka la xariira.