Galmudug oo soo Bandhigtay Nin kufsi Geestay

23

Ciidamada  Booliska Magaalada Cadaado ee Maamulka Galmudug ayaa qabtay eedeysane Axmed Xusen Cabdi oo ku eedeysan kiis kufsi ah oo la sheegay inuu ka qeystay magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland, isla markaana qaab baxsad ah ku tegay magaalada  Cadaado ee Gobolka Galgadud.

Eedeysane Axmed Xusen Cabdi ayaa dib loogu celin donaa magaalada Gaalkacyo sida ay sheegeyn Sarakiisha  Booliiska Cadaado  

Sidoo kale Labo Xidigle Cali Maxamed Xasan oo ah taliyaha Booliska magaalada Cadaado  ayaa waxaa uu tilmaamay in kiiskiisa laga furi doono magaalada Galkacyo  madaama uu halkaasi ka dhacay kiiska kufsiga ah ee lagu edeynayo.

Falalkaan Kufsiga ayaa waxa ay noqdeen kuwa ku soo badanayo bulshada soomaaliyed iyadoo qaar ka mid ah dadki geestay la qabtay halka kuwa kale lagu raad joogo

Bilihii ugu dambeyey ayaa waxa la diiwan geliyay tiro badan oo kufsi ah kuwaasi oo ka dhacay  dalka Soomaaliya .