Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

50

Wararka ka imaanaya Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay gudaha dalkaasi.

Kooxda Burcadda ah waxa ay muwaadinka Soomaaliyeed ku dileen Dukaankiisa oo ku yaalla Deegaanka Delft oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalka doonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda burcada ah iyo marxuumka uu dhex-maray dagaal gacan ka hadal ah, sidaasina ay ku dileen.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey weerarada ka dhanka ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalkaasi.