Ganacsade Xaaji Abukar Cumar Cadaan oo loo xeray Xiriir uu la leeyahay Al-shabab

7


Ciidamada hay’adda Nabadsuga iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa Habeenkii xalay Hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho kala baxay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan.

Sababta loo xiray Ganacsade Xaaji Abuukar ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii uu sheegay inuu taageersan yahay mabda’a ay ku taagan yihiin Al-shabaab, xili uu wareysi siiyay mid kamid ah idaacaddaha ku yaalla Muqdisho.
Sidoo kale Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa la geeyay guri ay ku ilaalinayaan Ciidamo ka tirsan hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran ee NISA, wararka ayaa tilmamaya in loo ogolaaday dadkii u adeegi lahaa.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska hay’adda NISA iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan xariga Ganacsade Abuukar Caddaan, xili dhawaana la xiray ganacsade kale oo la dhashay Xaaji Abuukar.

Cumar cadan ayaa waxa uu horey uga mid ahaa ganacsatada tagaero dhaqaalo ku biixiya urururada Argagaxisada ah isagoo taageri jiray Nabad diidka AL-shabab