Ganacsatada Magaalada Cadaado Oo Dibad Bax Nabadeed Dhigay

31

Gebi ahaan  waxa xiran goobihii Ganacsi ee ku yaalla Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, sida xaqiijiyeen qaar kamid ah Ganacsatada , iyagoona ka hadlay sababta loo xiray.

Ganacsaatada ayaa ku sheegay Sababta ay u xiran yihiin goobaha Ganacsiga ee magaalada Cadaado inay tahay, kadib markii Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Galmudug ay Ganacsatada kusoo rogtay Canshuur dheeraad ah.

Qaar kamid ah Ganacsatada ayaa tilmaamay  in aysan awood u laheyn lacagta lagu soo rogay inay bixiyaan, waxaana xirnaashaha Suuqa Magaalada Cadaado uu dhibaato ku noqday dadka shacabka ah ee halkaas kunool ee ka adeegan jiray

Sawirro laga soo qaaday goobaha ganacsiga xiran ee Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa muujinaya in gabi ahaan xiran yihiin Bakhaarada, dukaamanka yaryar, goobaha Elektarooniga, dharka iyo Kabaha iyo qeyb ahaan suuqa oo ah balboolaha ganacsi ee Magaalada Cadaado

Maamulka Cadaaado ayaa waxa ay Canshuur xad dhaaf ah ay ku rogeyn Xaruumaha Ganacsiga ee ku yaal Magaalada Cadaado ee Maamulka Galmudug