Ganacsatada Walanweyn oo dalbanaya in la caawiyo kadib markii ay ku hanti beeleyn dabkii ka kacay Suuqa Shidaalka .

50

Ganacsatadii reer walanweyn dhawaan ku hanti beelay dabkii baabi;iyay hantidooda ayaa waxa ay xiligaan dalbanayaa in gargaar lala soo gaaro.

Dabkaan ayaa waxaa uu ka kacay  Maqaasiin lagu keedin jiray shidaalka isla markana ay lahaayeen ganacsatada degmad awalan weyn ee gobolka shabeeladda hoose .

Goobahan ganacsi ayaa waxa ay ahayeen goobo ay ganacsataan ay u taalay hanti aad u faraabadan 

Khasaaraha ka dhashay dabkaan ka kacay suuqa shidaalka lagu ibiyo ee degamda walanweyn ee gobolka shabeeladda hoose ayaa waxaa  lugu Qiyaasay Tobanaankun oo dololar-ka mareykanka ah .

Dadka dhibaatada gaartay ee ganacsiyadaan  lahaa ayaa hadda ah kuwa ku ceyrtoobay dabkan.

Majirto ilaa iyo hada cid u istaagtay kaalmeynta walalahooda dhibaatada ba,ani kaso gaartay masiibadaasi ku dhacday .

Qaar ka mid ah ganacsatadii ku hanti beelay ayaa waxa ay sheegeyn in aan weli loo 

gurmaniin hadii sidaan lagu fiirsado waxa ay sababi doontaan in horumarka degmada uu dib u dhaco ayuu yiri mid ka mid ah ganacasatada ku hanti beelay dabka.

Wuxu intaasi ku daray Waad garan kartaan shaqsi shalay dukaankiisa ka shaqeysanayay oo maanta Baaga muundo ah.

Gabagabadii ayuu Waxaa uu  Baaq u direyan Ganacsatada kale ee ka soo jeeda  Degmada Wanlaweyn in ey Gudi u saaraan garab qabashad walaalahan masiibada ey ku dhacday ayagoo kaashanaayo Bulshada Qeybaheeda kala duwan sida  Qurba joogta iyo maamulka Degmada Walaweyn.

Inta badan marka may musiibo nuucaan oo kale ah ay dhacdo aya waxa ku hanti beela dadka shalay wax heystay waxana soomalida dahqan u laheyd in ay caawiso keeda liita marka ay wax soo gaaran kan kale ee wax heystaana uu siin jiray caawimaad .