Ganacsato ku Xirneyd Beledxaawo oo la sii dayay.

31

Dhawaan ayey aheyd markii Ciidamada dowlada Soomaaliya ay Ganacsato caan ka ah  gobolka gedo ay xabsiga dhigeyn kadib markii lagu soo eedeyay in ay la kulmeyn ururka A-lshabab

Ganacsatadaan  ayaa in muddo ah u xernaa Lamaaha Amaanka  gobolka Gedo iyadoo loo heystay in ay u tageen Al-shabab  oo ay dhaqaalo ku taageeren .

Balse ciidamada Haramcad ee ku sugan degmada Beledxaawo ayaa siidayay ganacsatadaan kuwaasi oo dhawan la soo kulmay Al-shabab sida ay sheegeyn Laamah amaanka Gobolka Gedo.

Nabadoon  Idiris  Maxamed Axmed oo ka mid yahay nabadoonadaa  ku sugan Beledxaawo ayaa waxaa u sheegay  in ganacsadaan  ay markkii hore  ay Al-shabab ay ka xayireen Gawaari ganacsi  oo ay lahaayeen kadibna ay u tageen Al-shabab oo ku suagn deeganka Ceel Cadde  taaasoo kentay in laga shakiyo in ay xiirir la leeyhihiin Al-shabab ayuu sheegay nabadoonka.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa waxa uu tilmaamay in dadaal dheer oo ay sameyeen Odayaasha deeganka ay ku soorta gashay in ganacsatadaasi la sii daayo

Inta badan Ciidamada dowlad ayaa waxa ay xabsiga dhigaan ganacsadata odayasha iyo shaqsiyaadka kale oo ay uga shakiyaan in ay Al-shabab u tageenĀ  taaso marar badanĀ  dhacday .