Ganacsato Soomaaliyeed oo dil & dhaawac loogu geystay wadanka Koonfur Afrika

96

Kooxo burcad Koonfur Afrikan ah ayaa muwaadiniin Soomaaliyeed waxaa ay dalkaasi ugu geysteen dil iyo dhaawac iyo sidoo kale ay boobeen hantidooda.

Kooxaha Burcadda ah ayaa galay Saddex dukaan oo ku yaalla Magaalada Port Elizabeth ee  Gobalka Eastern Cape Dalka Koonfur Afrika, waxana ay dileen muwaadin Soomaaliyeed halka ay dhaawac culus gaarsiiyeen mid kale oo Magaciisa lagu soo koobay Sayid Cali.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in Kooxaha Burcadda ah ay dhac iyo boob hantiyadeed u geysteen laba Dukaan halka midka Saddexaad laga badbaadiyay.

Ciidamo ka tirsan booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka uuu werarka ka dhacay, iyaga oo sameeyay baaritaano la xiriira Kooxdii burcadda aheyd ee falkaasi ka dambeeyay wallow aan dad loo qaban.

Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika gaar ahaan Magaalada Port Elizabeth ee  Gobalka Eastern ayaa waxaa ay sheegeen inay cabsi xoogan soo wajahday, kaddib markii ay kordheen weerarada Soomaalida lagu haayo.

Dalka Koonfur Afrika ayaa  xilliyada Sanad dhammaadka waxaa aad u kordha weerarada ka dhanka ah ajaanibta gaar ahaan Soomaalida iyo Itoobiyaanka, iyada oo aysan jirin cid ka hortagta ama wax ka qabata.