Garoonka Diyaaradaha Doolow Oo La Furay Iyo Maamulka Gedo Oo Ka Hadlay

61

Maamulka Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka ayaa ka hadlay Arrin ku aadan Garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee Gobolkaas oo maalmihii lasoo dhaafay u xirnaa sababo la xiriira muran.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay warbahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay in dib loo furay Garoonka diyaaradaha Doolow oo muddo ku dhow todobaad xirnaa, iyadoo wax duulimaad uusan ka degin.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Cismaan Nuur in Garoonka uu u xirnaa howlo shaqo oo lagu balaarinayay, isla markaana waxaa uu beeniyay wararka sheegaya inuu u xirnaa muran ku aadan gacanta ku heynta Garoonka oo ay isku heysteen Ciidanka Nabadasugiga iyo kuwa Milateriga dowladda ee halkaas ku sugan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa waxaa uu tilmaamay in haatan uu furan yahay Garoonka diyaaradaha Doolow, ayna ku soo degi karaan diyaaradahii tegi jiray degmada iyo Gobolka inta.

Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamed tahliil Biixi iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gelinkii dambe ee gaaray degmada Doolow, iyadoona halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay Taliyaha.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu xirnaa Garoonka Doolow, isla markaana gacanta ku heyntiisa ay isku qabsadeen Ciidanka Nabadsugida dowladda iyo kuwa Milateriga, wallow arrintaas uu beeniyay Guddoomiye Xaaji.