Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne Oo Maanta Mar Kale Xirmay

27

Wararka naga soo garaya Magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayan in Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne oo mar kale xirmay, kadib markii saacadaha lasoo dhaafay halkaas ay ka da’een roobab mahiigaan oo xoogan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in gudaha Garoonka ay buux dhaafiyeen biyihii ka hooray roobka ayna jirin wax duulimaad ah.maanta ka soo degaya  Beledweyne

Madaxa Garoonka Ugaas Khaliif oo warbaahinta la hadlay ayaa Carabka ku dhuftay inay rajeynayaan in 48-saac gudahood uu ku furmo Garoonkan Ugaas Khaliif, ayna dib u bilowdaan duulimaadyadii  Garoonka oo hakad ku jira.

Sidoo kale Warar la helayo ayaa sheegaya in Baladweyne ay ku xiran yihiin dad kala duwan oo qaarkood xanuunsan, kuwaasi oo doonayay inay soo aadan Magaalada Muqdisho, hayeeshee lagu wargeliyay in duulimaad uusan jirin, kadib markii uu xirmay Garoonka.

Shalay ilaa iyo Xalay  ayaa waxa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan iyo deegaano kale oo hoostega Magaaladaas ay ka da’een roobab xoogan oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada, sidoo kalena biyo farabadan yaallan waddooyinka.