Giriiga oo mar kale eedeeyn kulul u jeediyey dalka Turkiga

41


Giriiga ayaa dalka turkiga ku eedeeyay in ay xayirtay diyaaradi ay leedahay oo uu la socday wasiirkeeda arimaha dibadda oo ka soo duulay dalka ciraaq
Waxaana sarkaal ka tirsan dowladda uu xaqiijiyey in muddo labaatan daqiiqo wasiirka iyo diyaaradiisa la xayiray.
Balse dowladda turkiga ayaa beenisay dhamaan eedeymaha loo jeediyey.
Xiisada u dhaxeysa labada dal ka ee dhalatay muranka bariga badda medhetereeniyaanka ayaa cirka isku shareeratay bilihii la soo dhaafay,taasoo keentay inuu xumaado xiriirka labada wadan oo ka wada tirsan isbaheysiga Nato.