Golaha Amaanka Oo Kulan Xasaasi Ah Kaleh Xaalada Soomaaliya

39

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa berri oo Khamiis ah kuna beegan 20-ka Agoosto 2020 waxa ay fadhi ka leeyihiin Xaaladda Dalka Soomaaliya sida ay shaaciyeen diblumaasiyiin.

Daneeyaasha arrimaha Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay ka qaybgalka fadhigaan looga hadlayo Xaaladda Dalka waxaana si gaar ah diiradda ay u saarayaan Ammaanka, kala guurka doorashada iyo kaalmada howgalka Midowga Afrika.

Soomaaliya ayaa isu diyaarineysa martigelinta Doorashada aan la isku raacin nuuca ay noqon doonto, waqtiga ay qabsoomeyso iyo buuq siyaasadeed kasoo yeeraya Dowlad Goboleedyada qaar, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah Xisbiyada Mucaaradka.

Dhan kale, Mareykanka ayaa fadhiga dhex geynaya cunaqabateynta Dalka Iiraan oo ay gadaal ka riixeyso Dowladda Mareyankanka sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalkaas Mike Pompeo oo Warbaahinta la hadlay.

Golaha ayaa dood ka leh u hoggaansanaanta cunaqabateynta nukliyeerka Xukuumadda Tehran la saaray sanadkii 2015-kii, iyo qaraarkii u ogolaanayay in ay bacrimin ku sameyn karto Gantaalada aan Khatarta badneen ee Lexda quwadood ee adduunka ay ku kala saxiixdeen Magaalada Vienna.

Ujeedka heshiiskaas ayaa ahaa kahor tagga Iiraan in ay sameysato hubka Nukliyeerka oo khatar gelin u arkeen Dowlado Mareykanka ugu weyn yahay, iyada oo taasi laga fogaanaya wadadaas loo maray.

Su’aal ayaa ka timid sharci ahaanshaha dhaq-dhaqaaqa Washington ee habka dib loogu soo celinayo cunaqabateynta, Madaxweyne Donald Trump ayaa si cad u sheegay in Xukuumadda Iiraan uu marinayo wado ciqaabeed waliba oo lagu cuuryaaminayo heshiiska Iiraan u ogolaanaya Bacriminta Gantaalada aan halista badneen.