Golaha ammaanka ee QM oo muddo kordhin u sameeyey xafiiska UNSOM

46

Golaha ammaanka ayaa Jimcihii kulan muddo dheereen ah ka yeeshay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Caawinta howlaha Soomaaliya UNSOM oo la gaarsiiyay muddo shaqeystiisa ilaa 31-ka Agoosto sanadka soo socda 2021.

Fadhiga Golaha oo qaraarka tirsigiisu yahay 2540 waxa ay 15-ka xubnood ee Golaha ammaanka uga arrinsadeen muddo kordhinta Xafiiskaan oo Qaramada Midoobay ka saacida howlaha ka socda Soomaaliya.

15-xubnood ee isugu jira 5-ta joogtada ah iyo 10-ka wadan ee Doorashada ku yimaada ayaa si wadajir ah u cusbooneysiiyay muddo sanad ah, maadaama howlaha shaqo ee UNSOM uu dhacayay 31-ka Agoosto 2020, waxaana la gaarsiiyay 2021.

Xafiiskaan waxa uu taageera Soomaaliya gaar ahaan DFS iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, waana halka fududeyso is fahamsiinta marka ay is qabtaan dhinacyadaan ku lugta leh Siyaasadda, halka ay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada Ciidamada Ajaanibta ah ee AMISOM iyo kuwa u gaarka ah ee ilaaliya.

Howlo culus ayaa horyaalla Xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana ugu weyn la socodka heshiisyadii lagu gaaray Magaalada Dhuusamareeb, Doorashada Dalka oo afartii sanaba mar la qabto, isu keenidda dhinacyada Saamileyda Siyaasadda iyo la socodka howlaha bani aadamnimo ee Soomaaliya.

Xafiiska UNSOM waxaa la aas-aasay bishii June 2013-kii, ujeedka laga lahaa ayaa ahaa in uu fududeeyo howlaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, shaqo fududeynta ergaygiisa iyo la socodka Xaaladda Dalka.

Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay muddo kordhinta uu ka helay Golaha ammaanka, waxaana uu bogaadiyay dadaalada lagu xoojinayo xafiiskaan ee Soomaaliya ka socda.