Golaha Ammaanka Ee QM Oo War Kasoo Saaray Doorashada Soomaaliya

73

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay shirka Madaxweynaha Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu ku baaqay in bartamaha bishan ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada isugu yimaadaan magaalada Garoowe ee ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Warbixin qoraal ah oo uu soo saaray Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in goluhu uu soo dhaweynayo wadahadallada cusub ee lagu baaqay 15-ka Febraayo.