Golaha Guurtida Somaliland oo ansixiyey xeer muhiim ah

29

Golaha Guurtida Somaliland ayaa ansixiyey xeerka guud ee doorashooyinka Qaranka iyo diiwaan galinta cod-bixiyayaasha, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa.

Fadhigan oo ay soo xaadireen illaa 53 mudane ayaa goluhu cod aqlabiyad leh ku meel-mariyey xeerkaasi.

Guddoonka Golaha Guurtida ayaa sheega inay ogolaadeen codoynta la qaaday illaa 49 xildhibaan, sidoo kale laba xildhibaan ayaa diiday, halka xildhibaan kalena uu ka aamusay.

Somaliland ayaa isku diyaarineyso doorashooyinka ku soo food leh, iyadoo guddiga komishanka uu wado qab-qabo ku aadan doorashadaasi.