Golaha Shacabka Oo Maanta Codka Kalsoonida U Qaadaya G/Wasiirada Cusub

47

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxa lagu waddaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa.

Xukuumaddan cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa guud ahaan marka la eego ka kooban 70 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Wasiirro-Dowlayaal iyo Wasiiro ku-xigeenno, kuwaa oo intooda badan marka la eego ah mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa waxaa uu yahay u codeynta Xukuumadda Cusub ee uu dhawaan soo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Barnaamijka Xukuumadda.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa qaar kamid ah Golaha wasiirada Cusub iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay yeelanayeen kulamo kala duwan, iyada oo Golaha Wasiirada Magacaaban ay codka kasloonida weeydiisanayeen Xildhibaannada.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wax yar uun kaddib markii lagu dhawaaqay xukuumaddan cusub ka dalbaday Baarlamaanka in ay meel mariyaan si ay u gudato howlaha loo idmaday.

Maanta ayaa waxa lagu wadaa in ay Codka Kalsoonida u qaadan Xukumadda Iyo Barnaamijkeeda siyaasadeed