Golaha Wasiirada Cusub Oo Galabta Kulankii Ugu Horreeyay ku Yeeshay Muqdisho+sawirro

49

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa  Galabta shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee maanta la dhaariyay.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka horyaala Golaha Wasiirrada iyo xoojinta wada shaqaynta dhexdooda ah, si loogu guuleysto ka miro dhalinta qorshaha xukumadda ee ku salaysan ku u adeeggidda bulshadda iyo diyaarinta Doorashooyin ka dhaca dalka

Sidoo kale kulanka ayaa waxa looga dooday sidi wax looga qaban lahaa arrimaha amaanka dalka gara ahaan goobha ay ka dhacayaan doorashooyinka .

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay Golaha Xukuumadda in si dhaqso ah ay shaqooyinkooda u guda galaan, xilalkana ula wareegaan, si looga faa’iideysto waqtiga haray, loona fuliyo qodobadii ku jiray barnaamijka Xukuumadda ee baarlamaanku ansixiyey.

Gagabadda Kulanka ayaa waxa mahad celin balaarn loogu diray Xildhibanada barlamanak Soomaliyed ay maanta ku meel mariyeen Golaha .