Golaha Wasiirada Cusub Soomaaliya oo Goordhaw la ansixiyay

41

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow Cod aqlabiyad leh u ansixiyay Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble kaddib markii codka kalsoonida loo qaaday.

188 Xildhibaan oo Kulanka Maanta Xaadir aheyd ayaa ogolaatay in la ansixiyo Xukuumadda,ma jirin cid diiday ama ka aamustay sidaas darteed guddoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inay tahay Xukuumadda ansax ah.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in xubnahan golaha Wasiirada ee cusub oo ku soo xushay karti, aqoon, iyo inuu hubiyay inay u adeegi karaan shacabka sida ugu wanaagsan.

Golaha cusub ee wasiirada ayaa waxaa isla markiiba goobta ku dhaariyay guddoomiyaha Maxkamadda Sare.