Golaha Wasiiradda Galmudug oo ansixiyay Sharciyo Muhiim ah

24

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Maamulka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa shir guddoomiyey kulankii Golaha Wasiiradda Galmudug oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada maamulkasi.

Kulanka ayaa lagu ansixiyey shuruucda kala ah:-Sharciga Daqliga Gudaha, Sharciga Shaqaalaha Rayidka, sharciga Nidaaminta iyo Naqshadeynta Magaaloyinka Galmudug,

Sharciyadaan ayaa waxaa soo gudbiyeen Wasaarada kala ah;

Wasaarada Shaqadda iyo Arrimaha bulshadda, wasaarada Hawlaha Guud& Guryeynta, iyo wasaaradda Maaliyadda iyo maamulka.

Sharciga Dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka ayaa maray Aqrintii koobaad. Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa madaxweynaha ku wehlinayey kulanka lagu meel marinayay Sharciyadaan muhiimka ah.