Goobaha ganacsiga qaar ee degmada Guriceel oo Maanta xiran

32

Waxaa Maanta inta badan Albaabada loo laabay Bakhaarada Raashinka noocyadiisa kala duwan lagu iibiyo ee ku yaal degmada Guriceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee dowlad gboleedka Galmudug.

Arrintaan ayaa waxaa loo aaneeynayaa sababo la xiriira sarakac ku yimid raashinka kadib markii Maalmihii la soo dhaafay degmada Guriceel aysan tegin gawaarida raashinka geeya.

Warraka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Gaadiid farabadan oo Raashi n ka keenay dekadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari uu ku xayiran yahay Gaalkacyo ka dib markii Wasaaradda Maaliyadda Galmudug ay Gaadiidka ku kordhisay Canshuurta lagana Rabo lacagaha Taargada iyo ruqsada Darawalnimada.

Qaar kamid ah Ganacsatada ku nool degmada Guriceel ayaa waxaa ay Warb ahinta u sheegeen in ay dareemayaan hoos u dhac dhinaca Ganacsiga, isla markaana uu qaaliyoobay raashinka noocyadiisa kala duwan, taasina ay dhibaato ku atahay dadka danyarta ah.

Maamaulka Galmudug gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda Maamulkaas weli kama hadlin Gaadidika ku xayiran duleedka Magaalada Gaalkacyo ee saameynta ku yeeshay Ganacsiga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.