Goormee ayuu furmayaa Kalfadhiga labaad ee baarlamaanka Galmudug?

47

Guddoonka baarlamaanka Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqay xilliga rasmiga ah ee uu dib u furmayo Kalfadhiga 2-aad ee baarlamaanka maamulkaasi.

Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiye Maxamed Nuur Gacal ayaa waxaa lagu sheegay in Kalfadhigaas uu furmi doono 27-ka bishan oo ku beegan maalinta Khamiista ah.

Halkan hoose ka aqriso:-