Goormee codka kalsoonida loo qaadayaa Ra’iisul wasaaraha cusub?

54

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu horgeeyo Golaha Shacabka Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha magacaaban beri la horgeyn doono xildhibaanada baarlamaanka, si ay siiyaan codka kalsoonid ah.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha cusub oo xalay diray farrintiisuu ugu horreysay ayaa ka dalbaday xildhibaanada Soomaaliyeed inay siiyaan codka.

Rooble oo noqday Ra’iisul wasaarihii labaad ee uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa waxaa hortaallo, haddii la ansixiyoshaqo adag oo u baahan wax ka qabasho deg-deg ah.