Gud.Baarlamanka KGS oo Caawa la Kulmay dhalinyaradda Xudur.

32

Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb Dr Ali Said Faqi oo ku sugan Gobolka Bakool ayaa Caawa kulan la qaatey qaar ka mid ah Dhallinyarada Degmada Xudur Ee Xaruunta Gobolka Bakool.

Kulankan Cashada ah ayaa waxaa uu ahaa mid Gudoomiyaha Baarlamanka KGS uu ku xog-wareysanayay dhalinyarada degmada iyo sidii ay door muuqda ugu yeelan lahaayen Maamulka siyaasada iyo horumarinta Bulshada.

Amb Dr Ali Said Faqi ayaa aad u amaanay Dhalinyarada gobolka Bakool sida firfircoon oo ay uga qeyb qadanayaan la shaqeynta Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gabagabada kulankaan ayaa waxaa uu ku soo gabagabowbay jawi heee sare ah.