Gud.Degmada Afgooye oo sheegay in wax laga qabandoono Fatahaada Wabiga shabelle.

38

Gudoomiyaha Maamulka Degmadda  Afgooye ayaa  odayaasha Degmada kala Hadley Labakacleynta biyaha webiga Shabeelle.

Gudoomiyaha Degmada Afgooye ahna duqa magaalada mudane Aweys Abdullahi Omar (Buulalow) ayaa saakey Kulan la qaatay odayaasha magaalada iyadoo markale uu soo labakacleeyay Biyaha webiga Shabeelle.

Ugu Horeyn Odayaasha Ayaa Gudoomiyaha Uga warbixiyay Xaaladda degmada iyo saameynta ka dhalatay Fatahaada ka dhacdey Magaalada.

Duqa magaalada ayaa sheegay in Degmada waxbadan laga qaban doono.

Wabiga shabelle ayaa waxa uu hadda bilaabay in uu soo buuxdhaafiyo gidaaradda ama jiinka wabiga taaso sababi karto inuu fatahaado kale ka geesto wabiga .