Gud.Gobolka Sh/Hoose Hon Ibrahim Adan Ali Najah oo Soo dhaweeyay taagerada Hay’addaha TISPLUS/USAID

31

USAID Somalia oo ah hay’adda Caalami ah ayaa waxaa ay soo saartay tagaereedda Ay marwalbaa la garab tagan tahay Maamulka iyo shacabka Gobolka Shabeeladda Hoose

Qoraal ka soo baxay xafiiska hay’adda USAID Somalia ayaa waxa lagu yiri”Waxaan ku faraxsannahay inaan taageerno Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose iyo shacabka dadaalkooda ku aaddan adkaynta nabadda iyada oo loo marayo dhismaha guddi loo dhan yahay ee Xasilinta iyo Nabadeynta.”

Dhinaca kale Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa soo dhaweeyay taageradda hay’adda USAID Somalia

Gudoomiyaha Gobolka shabeeladda hoose Mudane Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxaa uu soosaaray qoraal uu ugu mahad celinayo Hay’adaha kala ah TISPLUS/USAID Somalia kuwaasi oo taageero joogtada ah siinaya Maamulka Gobolka shabeeladda Hoose

Madaale Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa qoraal uu soo saaray ayaa waxa uu ku yiri” Waxaan joogteyneynaa sii wadista Tabbabarada aan siineyno Maamulada deegaanadda, Degmooyinka iyo Hormarinta Adeegyada bulshadda,waxaan u mahacelinayaa TISPLUS/USAID Somalia  taageeraddooda  joogtada ah”

Gudoomiyaha Maamulka gobolka Shabeeladda Hoose ayaa waxa uu balanqaaday in uu joogteynayo sii wadista Tabbabarada lagu dhisayo maamulada Degmooyinka iyo deegaanadda iyo hormarinta adeegyada bulshadda,

Hay’addaha kala ah TISPLUS iyo USAID Somalia waxa ay ka mid yihiin hay’addaha tagaeero Maamulka iyo Bulshada Gobolka shabeeladda Hooose waxana ay biixiyaan tababaro sare loogu qaadnayo aqoonta mamaulka Gobolka .