Gud.Gobolka Sh/hoose Hon Ibrahim Adan Ali Najah oo soo xiray Tababarka Jihaynta Gudi-hoosaadka Ballaarinta Adeegyada Marin-u-helida Cadaaladda.

13

Gudoomiyaha Gobolka shabeeladda hoose Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa  soo xiray Tababarka Jihaynta Gudi-hoosaadka Ballaarinta Adeegyada Marin-u-helida Cadaaladda.

tababarkan ayaa waxa soo qabanqaabisay wasaradda Caaaladda Maamulka dowlad Goboledak Koonfur Galbeed Soomaaliya

sidoo kale Tababarkan ayaa waxaa fuliyay maamulka Gobolka Shabeeladda Hoose waxana lagu qabtay Magaalada Marko ee Caasimadda Gobolka Shabelleda Hoose.

Aqoon kororsigaan ayaa waxa uu ahaa mid lagu baranayay qaabka loo ballarin karo adeegyadda bulshada ee Marin u helida Cadaaladda.

Gudoomiye Hon Ibrahim Adan Ali-Najah ayaa sheegay in tababarkan uu faa’iido badan u leeyahay in la barto nidaamka Caaladda iyo Bulshadda u wada shaqeeyaan .

Mas’uuliyiintii casharadda ka qaatay tababarkan ayaa waxa sheegeyn in ay wax badan ka kororsadeen mudadii uu socday tababarka .

Gabagbada aqoon koroorsigaan Gudoomiyaha Gobolka shabeeladda hoose Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa  soo xiray Tababarka Jihaynta Gudi-hoosaadka Ballaarinta Adeegyada Marin-u-helida Cadaaladda.