Gud.Gobolka SH. Hoose la Kulmay Saraakiisha CXD & AMISOM ee Marko.

55

Gudoomiyaha Gobolka Shabeeladda Hoose Mudane Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa kulamo la qaatay Saraakiisha Howlgalka Nabad ilaalinta Ciidamada Midowga Afrika AMISOM Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Gobolka Shabeeladda Hoose waxana uu kala hadlayaa sugida Amaanka degmada Marko iyo sidoo kale ka xureynta Nabad diidka Al-Shabab ay kaga sugan yihiin deegaanada hoos yimaado Degmada Marko.

Gudoomiye Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxaa uu aad ugu buuriyey Saraakiisha Cidamada dadalka hagar la”aaneyd oo ay la garab taagan yihiin Bulshadooda xili walba.

Dhinaca kale Madaale Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxaa uu kulan gaar ah la qaatay Mas’uuliyinta Degmada Marko kuwaasi uu ka xog wareystay xaalada guud ee degmada .

Inta uu degmada Marka ku sugan yahay ayaa waxaa uu Gudoomiye Ibrahim Adan Ali Najah uu ka fulindoonaa mashaariic kala duwan isagoo dhiiri gelin u sameyndoono Ciidamada u taagan difaaca qaranimada iyo jiritaanka Bulshada Gobolka Shabeelada Hoose.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeeladda Hoose Mudane Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa mar kasta u taagan sidii uu naftiisa ugu huri lahaa Shacabka gobolka Shabeeladda Hoose waxa uu marwalbaa ka shaqeyaa horumarka Gobolka.


#DaryeeliyoDowladnimo.
#NabadiyoNajah.