Gud.Gobolka SH/Hoose oo soo gaba-gabeeyay tababar Muddo 5 Maalmood u socday Mas’uuliyiinta Afgooye.

211

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa Maanta soo gaba-gabeeyay tababar Muddo 5 maalmood u socday Mas’uuliyiinta maamulka degmada Afgooye iyo deegaannada u dhow dhow ee gobolka Shabeeladda Hoose

Tababarkan ayaa waxa uu ahaa mid  kor loogu qaadayey tayada maamullada deegaanada iyo degmooyinka degmada Afgooye  si ay maamullada awood ugu yeeshaan inay adeeg tayo sare leh u siiyaan dadweynaha ku dhaqan deegaanadooda iyo guud ahaan gobolka Shabeellaha Hoose.

Munaasabadan lagu soo gabagabeynayay Tababarka ayaa waxa soo xeray Gudoomiyaha Gobolka shabeellaha Hoose Hon Ibrahim Adan Ali Najah waxaa uu ka jeediyay Khudbad dhinacyo Badan taabaneyso oo u badneyd dardaran iyo dhirigelin taasoo ku qotontay in mas’uuliyinta ka faa’ideystay tababarkan ee qaatay Casharadda laga bixiyay tababarkan in ay bulshada ugu adeegan wixi ay halkan ka barteen si meesha looga saaro maamul xumo .

Qaar ka mid ah mas’uuliyiintii ka faa’ideystay tababarka mudadii 5 maalin ah socday ayaa waxa ay sheegeyn in wax badan ku bartan tababarkan.

Gagabada  tababarkan  Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa shahaadooyin Gudoonsiyay xubnihii qaatay aqoon kororsiga Mudda 5 Maalin aheyd

Maamulka Gobolka shabeeladda Hoose ayaa waxa uu u taagan yahay sidii loo tayeyn lahaa aqoonta iyo garaadka Mas’uuliyiinta u adeega Bulshadda Gobolka.

Tababarka maanta lagu soo xeray degmada Afgooye ayaa waxa uu qeyb ka yahay dadaaladaasi uu Hormuudka u yahay Madaale Hon Ibrahim Adan Ali Najah ee lagu Horumarinayo bulshada iyo madaxda gobolka shabeeladda hoose .

Daryeel iyo Dowladnimo.

Nabad iyo Najah.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRADDA