Gud.Gobolka Sh/Hoose oo tilmaamay In si dhaw Looga Warheyn Doono Dadka U Nugul In Biyaha roobka qaadaan.

35

Xili gobolka Shabeeladda Hoose ay ka curteen roobabkii Deyrta ayaa waxa ay biyo dhigeen  degaano badan oo ka mid ah Gobolka .

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Ibrahim  Adan Ali Najah ayaa waxa ka hadlay roobabkii ka da’yay 24 saac ee ugu dambeyey degmooyinka iyo tuulooyinka Gobolka Shabeeladda Hoose,

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Ibrahim  Adan Ali Najah ayaa Yiri”Iyadoo Roobab waa-weyn ay ka daa’yaan Guud ahaan Degmooyinka iyo deegaanadda Gobolka Shabellaha hoose, waxaan qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqayaa in ay ka war qabaan walaalahood uu saameynta ku yeeshay  roobabka isla markaana aanan heysan hooy ay ka galaaan dhibicda roobka iyo cunno.

Sidoo kale  Gudoomiye Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxa uu tilmaamay in Maamulka Gobolka Shabellaha hoose iyo Maamuladda Degmooyinka iyo deegaanada waxay si dhaw ula socdaan qasaaraha ay geysanayaan roobabka

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Gobolka shabeeladda Hoose Ibarhim AdanAli Najah ayaa waxaa uu ka hadlay in heegan la gelinayo dhamaan maaamuladda si ay wax uga qabtaan Dhibaatada ay sababeyn roobabka .

Daryeel dowladnimo Nabad iyo najah