Gud.Ibrahim Adan Ali Najah oo Hambalyo u diray ummada Somalia

62

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Muslimka ah ugu hambalyeey munaasabada dhalashada Nabigenne Muxammad NNKH.

Madaale Najah ayaa waxaa uu hambalyo gaar ah u diray Shacabka ku nool gobolka Shabeellada Hoose munaasabada Mowliid awgeed wuxu kula dardaarmay in ay badiyaan xuska iyo Alle bariga si Alle uga dulqaado dhibaatada iyo in ay dembi dhaafay ugu noqoto.

Gudoomiye Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa si kulul u Cambaareyay hadaladii gafka ahaa ee ka soo yeeray Madaxweynaha dalka Faransiiska ee loo geestay Suubanaheena Muxamed NNKH.

Maanta ayaa waxaa dunida Islaamka laga Xusayaa Mowliidka iyadoo dhanka kale ay socdaan banaanbaxyo looga soo Horjeedo gaalada Aflagaada u geesaneyso diinta iyo Nabi Muxamed NNKH.