Guddi loo saaray Colaad ka taagan degaano ka tirsan Puntland

69

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Gobolka ay untland u taqaano  Gardafuu ee Puntland, ayaa guddi u saaray xiisad u dhexaysa maamulka puntland & maleeshiyo beeleed hubeysan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Madaxtooyada Puntland ee PMPF iyo maleeshiyaadka hubeysan  oo uu hoggaminayo nin lagu Magacaabo Mahad Cali Carcar Daa’uud. ayaa shalay dagaal kooban uu dhex-maray, kaas oo la sheegay in uusan ka dhalan wax khasaaro ah.

Odayaasha dhaqanka ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay wadeen dadaalo lagu xalinaayo xiisadaas, iyaga oo sameeyay guddi gala xiisada labada dhinac, isla markaana xal ka gaara.

Warraka la helay ayaa sheegaya in saraakiisha Ciidamada Puntland lagu amray in aysan fulin weerar kale oo lagu qaado maleeshiyaadka hubeysan maadaama la bilaabay waan waan lagu xalinaayo.