Guddiga badbaadada doorashooyinka qaran 2020-2021 ayaa ka hadlay Mawqifka Madexweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ee ahaa in Shir Magaalada Muqdisho isugu yimaadaan Dawlada wakhtigeedii dhacay ee uu hogaamiyo Farmaajo iyo Dowladaha xubnaha ka ah, waxaana guddigu uu soo dhawweeyay arrintaasi.
War kasoo baxay Guddiga badbaadada doorashooyinka qaran 2020-2021 ayaa lagu sheegay in guddigu uu soo dhaweynayo talabadaasi,”Guddiga badbaadada doorashooyinka qaran 2020-2021 wuxuu soo dhawaynayaa Mawqifka Madexweynaha puntland saciid cabdullahi Deni,Kan Madexweynaha Jubbaland Axmed maxamed islaan iyo kan Gudoomiyaha aqalka sare oo ah in Shir Magaalada Muqdisho isugu yimaadaan Dawlada wakhtigeedii dhacay,dawladaha xubnaha ka ah dawlada dhexe,Midawga murashixiinta” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga.