Guddiga Doorashada Guddoonka Barlamaanka Hirshabeelle Oo La Magacaabay

26

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamuud Siyaad Barqadle ayaa markii xilka Guddoomiyaha loo doortay magacaabay Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaas.

Warka Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Maxamuud Siyaad Barqadle ayaa lagu magacaabay Guddiga Doorashada oo ka kooban 9-xubnood, waxaana Guddoomiye loogay Xildhibaan lagu magacaabo Yuusuf Sheekh Xasan Macalin.

Ugu dambeyntii Guddigaan ayaa ka shaqeyn doono sidii ay u dhici laheyd Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, iyagoo Guddiga yeelan doono kulamo.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA XUBNAHA GUDDIGA DOORASHADA EE LA MAGACAABAY.