Guddiga Doorashooyinka Itoobiya Oo Gaadiid Loogu Deeqay

33

Midowga Yurub iyo dowalda Jarmalka oo is kaashanaya ayaa gaadiid ugu deeqay guddiga doorashooyinka itoobiya ee magacooda loo soo gaabiyo NEBE

Gaadiidkan oo ah 22 ayaa ah kuwa loogu talo galay in ay guddiga ka saacidaan dhanka socdaalka gaar ahaan dhulka fog ee aan laheyn wadooyinka wanaagsan

Munaasabad gaadiidkan lagu wareejinayay oo maanta ka dhacday magaalada Adis Ababa ayaa waxaa goob joog ka ahaa haweeneyda guddiga doorooshinka itoobiya madaxda ka ah Birtukan Mideksa.

Birtukan Mideksa ayaa ka mahadcelisay deeqdan waxayna tilmaantay in ay wax weyn ka tari doonta isku cirka goobaha doorashooyinka.

Doorashada itoobiya ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 5 bisha June ee sanadkan 2021