GUDDIGA DOORASHOOYINKA PUNTLAND OO LA WAREEGAY QALABKA DIIWAAN-GELINTA CODBIXIYAASHA

19

Shirkadda PIITECH ayaa maanta guddiga KMG doorashooyinka Puntland ku wareejisay qalabka casriga ah ee diiwaan-gelinta codbixiyaasha.

Guddiga ayaa shaaciyay in ay shirkadda PIITECH kala wareegeen qalabkan oo ka kooban server, computers, printers, IRIS iyo softwares koodii.

Qalabkan ayaa loo isticmaali doonaa diiwaan-gelinta codbixiyaasha oo dhowaan ka bilaaban doonta degmooyin ka tirsan Puntland.

Guddiga ayaa sheegay in ay saddex degmo si hordhac ah uga qaban doonaan doorashooyinka golayaasha degaanka oo ku salaysan hannaanka xisibiyada badan.