Guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda oo la kulmay Laamaha amniga

28

Guddiga qaban-qaabada ee xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo ayaa Maanta oo Arbaco Xarunta Wasaaradda Warfaafinta kulan kula qaatay Hay’addaha kala duwan ee amniga dowladda Federalka.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta ahna Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda Cismaan Abuukar Dubbe ayaa hay’adaha amniga ka dhagaystay warbixin ku saabsan maalmaha muhiimka u ah Qaranka ee xorriyaddaha.

Saraakiisha kulanka ka qeyb galay ayaa Wasiir Cismaan Dubbe uga Warbixiyay diyaar garoowga ku aadan dhinaca amniga ee xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo ee fooda nagu soo haaya.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in Guddiga in ay hortaalo howlo oo ay ugu horeyso diyaarinta iyo weyneynta xuska 61-guurada ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ee 26-ka Juun Midowga Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luulyo.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa sheegay inay doonayaan in si weyn loo weyneyo 61 guuradii ka soo wareegtay markii la saaray calan Soomaaliyeed oo ugu horeysay 26-ka Juun iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur iyo xornimadii Gobollada Koonfureed marka la isku wada darro.

Guddiga qaban-qaabada ee xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo ayaa wada diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan qabsoomida Munaasabadaha oo dhan ee maalmaha xoriyadda oo laga xusi doono dalka.