Guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda oo War soo saaray

18

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta ahna Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada xuska maalmaha xoriyadda dalka Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka hadlay howlgala ballaaran ee horyaalla Guddiga xuska maalmaha xoriyadda ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Wasiir Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Guddiga in ay hortaalo howlo oo ay ugu horeyso diyaarinta iyo weyneynta xuska 61-guurada ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ee 26-ka Juun Midowga Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luulyo.

“Waxaan rabnaa inaan si weyn u weyneyno waa 61 guuradii ka soo wareegtay markii la saaray calan Soomaaliyeed oo ugu horeysay 26-ka Juun iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur iyo xornimadii Gobollada Koonfureed marka la isku wada darro, munaasabadaas oo dhan 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo waxay noqon doonaan, maalmihii xoriyadda, maalmihii Qaranka oo runtii inoo ah maalmo sumad gaar ah inoo leh, Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto’ ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta ahna Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada todobaadka xoriyadda ayaa xusay in wada hadallada dowladda  Federaalka iyo Somaliland ay meel fiican soo gaaree.

Ugu dambeyn Dubbe ayaa tilmaamay in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ay kulmeen muddo labo jeer ah, iyagoo isla meel dhigay arrimo badan, shacabkuna ay kalsooni badan ku qabaan in wada hadalada lagu guuleysto