Guddiga qaban-qaabada xuska Maalmaha xorriyadda oo kulan la qaatay Taliyayaasha Ciidanka Qalabka sida

125

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada xuska Maalmaha xoriyadda ahna Wasiirka Warfaafinta XFS, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Maanta kulan looga hadlayay u diyaar gorowga qabsoomidda munaasabadaha Maalmaha xoriyadda iyo midnimada la yeeshay Gudigga qaban qaabada 60 guurada xoriyadda Soomaaliya iyo Saraakhiisha Ciidamada Qalabka sida.

Kulanka ay Guddiga yeesheen ayaa waxaa qayb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto, Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guuto, Mahad Cabdraxmaan Aadan, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Maxamed, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxana looga hadlay adkaynta ammaanka Caasimadda inta lagu guda jiro Todobaadka xorriyadda si gaar ahna looga gaashaanto falalka argagixiso ee cadawgu umaleeyagaan Umadda Soomaaliyeed, iyadoo hoosta ka xarriiqay in mas’uuliyad layska saaro adkaynta goobaha loo qorsheeyey in lagu qabto maamuska Ayaamaha xoriyadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa udiyaar garawday xuska Todobaadka xoriyadda 60 sano guuradii kasoo wareegtay markii layska tuuray heeryadii gumaystaha oo  kabillaabanaysa 26-ka Bishan juun oo ah markii ay gobolada waqooyi xoriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, kuna eg 1dii Luuliyo oo ah Maalinta ay Talyaaniga ka xoroobeen Goboladda Koofureed iyo midowgii Labada Gobol, halkaas oo lagu aasaasay Jamhuuriyadda Soomaaliya.