Guddigii Jubbaland U Joogay Muqdisho Oo Dib Ugu Laabtay Kismaayo

33

Guddigii Farsamada ee dowlad Goboleedka Jubbaland uga qeyb galay shirkii looga hadlaayay Arrimaha Doorashooyinka ee dhawaan ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo.

Guddiga oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugaan Muqdisho una joogay qaban qaabada shirka dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa la xaqiijiyay inay dib ugu laabteen Kismaayo oo markii horey ay ka yimideen.