Guddoomiyaha Aqalka Sare oo kasoo horjeestay Gudiga uu Magacaabay RW Rooble.

49

War ka soo baxaya Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya kuna  Saxiinaay Mudane  Cabdi Xaashi cabdillaahi ayaa lagu  eedeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu ka tagay Xubno uu u gudbiyay, kuwaas oo uu doonayay in lagu daro Guddiga doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraalkan  uu soo saaray Maanta guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa  la ogeeysiiyay, Madaxweynaha , Ra;iisul Wasaaraah & Madaxda Dowlad Goboleedyada

Sidoo kale qaoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Xubnaha uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble hadii ay ku jiraan Xubno maamulaya doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi aysan ka warqabin,isla markaana matalin.

8-dii Bishii oktoober ee sanadkaan ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane  Cabdi Xaashi cabdillaahi  ayaa  Magacaaabay Xubnaha Gobolada Waqooyi ku matalaya Gudiga doorashooyinka & Gudiga xalinta khilaafaadka, Xubnahaas oo uu sheegay guddoomiyaha in laga reebay Guddiyada uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xalay  ayey aheyd  markii Ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble  uu ku dhawaaqay guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka ee Heer federal, hayeeshee guddoomiyaha Aqalka Sare uu sheegay in xubno uu u gudbiyay Ra’iisul  Wasaaraha laga waayay liiska Xubnaha guddiyada.

Halkaan Hoose Ka Akhriso