Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qaabilay Siciid Deni+Sawirro

42

Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa xarunta golahaasi ku qaabisay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni.

Cabdi Xaashi iyo Deni ayaa ka wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xarunta aqalka sare kulan gaar ah kula qaadan doono guddiyada joogtada ah ee golahaasi, maadaama ay wakiil ka yihiin maamullada dalka.

Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi diirada lagu saarayo marxalada kala guurka ah ee uu dalka maraayo iyo is xog wareysi guud oo ku saabsan xaaladda dalka.

Siciid Deni ayaa maalmahan ku sugnaa gudaha caasimada, wuxuuna u soo gaaray ka qeyb-galka shir u dhexeeya dowladda dhexe, Puntland iyo Jubbaland.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana la’isku mari la’yahay heshiiskii lagu saxiixay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.